Bangladesh: Dhimashada Dhismaha Dabku Qabsaday Oo Gaadhay 16 Qof

Dhaka, (HCTV) – Ugu yaraan 16 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dab ka kacay Dhisme ganacsi oo 19 dabaq ah oo ku yaala Caasimada dalka Bangladesh ee Dhaka, sida ay saraakiisha Bileysku ay xaqiijiyeen.

Shilkan Dabka ah ayaa ku soo beegmaya todobaad ka dib markii qarax uu ka dhacay isla caaismada Bangaladesh oo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof.

Wararka laga helayo dabkan ka kacay dhismahan ayaa sheegaya inay jiraan dad tiro badan oo  ilaa iyo hada ku go’doonsan Dhismahan oo ku yaala goobta loo yaqaano Banani.

“Markii aan arkay dabka dabka kacay ee ku fiday dhismaha, si dhakhso ah ayaan orod ugaga soo dagay dhismaha, Shoikot Rahman ayaa sidaasi u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP, waxaanu intaasi ku daray “Qaar ka mid ah Saaxiibaday ayaa ilaa iyo hada ku xayiran Xafiiska”. Ayuu yidhi Rahman oo isaga oo badqaba orod kaga soo dagay dhismaha dabku qabsaday.

Sidoo kale wararka laga helayo Dhismahaasi dabku qabsaday ee dalka Bangaladesh ayaa intaa ku daraya in saddex qof oo ka mid ah dadka dhintay ay iska soo tuureen dabaqyada sare ee dhismaha, halka laba kalena ay dhinteen markii waxyeelo ay ka soo gaadhay dabka, sida ay Wakaalada Wararka AFP u xaqiijiyeen Saraakiisha Bileysku.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dhisme kale uu qarax ka dhex dhacay kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof halka ay ku dhaawacmeen 50 kale.

Axmed Cige

HORN CABLE TV.