Qaraxii 3-Aad oo Todbaad Gudihii Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho (HCTV) – Inta la ogyahay 12 Qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, duhurnimadii Khamiista Maanta, waxaana ku dhaawacmay Dad intaa ka badan.

Gaadhi lagu rakibay waxyaabaha Qarxa ayaa la sheegay in la dhigay meel aan ka fogayn Huteel lagu Magacaabo Weheliye, kaasi oo ku yaalla meel aad u mashquul badan, waxaana markii uu Qarxay ka dhashay khasaare badan.

Khasaaraha ayaa waxa sii kordhiyey Xilligan lagu beegay Qaraxa oo ahayd xilliga Qadada iyo halka Qaraxu ka dhacay oo Dad badan ku sugnaayeen, sida ay sheegeen Dad goob-joogeyaal ahi.

Dad goob-joogeyaal ayaa sheegay inay arkeen Meydadka Dadka Qaraxaa ku Geeriyooday oo dhulka yaalla.

Ciidammada amniga oo halkaa markiiba gaadhay ayaa waxay xidhay Goobta, halka Gaadiidka Gurmadka deg-degga ahna ay daabuleen Dadka Qaraxaasi dhibaateeyay, si kuwa dhaawaca ah xaaladdooda loola tacaalo.

Illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyaddan Qaraxa khasaaraha badan ka dhashay.

Qaraxan ayaa noqonaya kii Saddexaad ee ka dhaca Magaalada Muqdisho toddobaadkan gudihiisa, maaddaama oo labadii Maalmood ee la soo dhaafayba ay sidan oo kale Qaraxyo uga dhaceen.

La soco Wararka ku soo kordha Qaraxii Maanta.

 

HORN CABLE TV