Warbaahinta Caalamku Maxay Ka Tidhi Xidhiidhka Somaliland Iyo Masar?

Qahira, (HCTV) – Somaliland waxay dabada ka riixaysaa xidhiidh adag oo diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi oo ay la yeelato dalka Masar, sida lagu baahiyey Warbaahinta East African Business Week oo uu ka soo xigtay Telefishanka HCTV.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Wefti ka socda dawlada Somaliland oo uu horkacayo  Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Liiban Yusuf Osman uu socdaal rasmi ah ku tagay dalka Masar si uu kor ugu qaado xidhiidh dhex mara labada dawladood ee Somaliland iyo Masar.

“Socdaalkayga Masar ujeedadiisu waxa weeyi sidii aanu kor ugu sii qaadi lahayn xidhiidhka taariikhiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Dalka Masar,” ayuu sheegay Liibaas Yuusuf Cismaan, waxaanu intaasi ku daray “Waxaanu ka doodnay doorka Masar ay ku leedahay Geeksa Afrika iyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal ee leh dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Amaanka,” ayuu yidhi Liibaan kadib markii uu kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenka Arimaha Dibada u qaabilsan dalka Masar, Ambassador Hamdi Sanad Loza iyo Xoghayaha Guud ee Horumarinta iyo Iskaashiga  u qaabilsan Masar iyo Janaraalo ka tirsan Wasaarada Difaaca ee dalka Masar.

Sidoo kale Weftigan ka socday dalka Somaliland ayaa kulan la yeeshay Wasaarada Difaaca ee dalka Masar oo ay ka mid ahaayeen Generaalo Sare oo uu ka mid yahay Major General Hamdi Badin iyo ganacsadeyaal sarsare oo ku sugan Qaahira.

“Waxa aanu kulan wax ku ool ah la yeelanay Saraakiil darajo sare ku leh Wasaarada Difaaca ee dalka Masar. Kulankayaguna waxa uu ahaa sidii aanu u sii wadi lahayn xidhiidhkayaga labada dal oo ay saldhig u tahay is-aamin iyo Isfahan wax tar u leh labada qaran.”

Jamhuuriyada Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyey qaadaysay talaabooyin ay dhidibada ugu adkaynaysay dhisida xidhiidho ganacsi oo ay la yeelato dalalka Afrika iyo Bariga dhexe, kuwaas oo ujeedadoodu ay ahaayeen sidii loo horumarin lahaa xidhiidh dhaqaale, loona dhisi lahaa adeegyada iyo kaabayaasha bulshada.

Warbixintan ay qortay East African Business Week, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Jamhuuriyadan iskeed ugu dhawaaqay Madaxbanaanidu ay raadinayso Aqoonsi Caalami ah, waxaanay wakhti xaadirkan xidhiidho ganacsi oo xoogan ay la leedahay dalalka Ethiopia iyo Imaaraadka Carabta, waxaanay wada hadalo iyo inay ka wadashaqeeyaan dhinaca ganacsiga ay la leeyihiin dalka Eritrea.

HORN CABLE TV