Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Aabaha Dhalay Saddexdii Wiil Ee Lagu Dilay Ceeryaan,

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Aabaha Dhalay Saddexdii Wiil Ee Lagu Dilay Ceeryaan,

Somaliland: Maxkamadda Sare Oo Siidaysay Sheekh Aadan-Sunne Iyo Dhallinyaro Xidhnaa Illaa 2017-kii
Kim John Un Oo Dhoolacadaynaya Oo Fagaare Ka Soo Muuqday Todobaado Ka Dib
Trump Oo Waraaqo Sir Ku Qoran Tahay Warbaahinta La Hor-yimid
Soomaaliya: Al-shabaab Oo Lagala Wareegay Adhi Gaadhaya 400 Neef
Spain Oo Qayb Ahaan Qaaday Xanibaada Coronavirus Ee Dalkaasi

 

Hargeysa-26-08-2018-(HCTV)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil oo ah aabihii dhibaatadu ka soo gaadhay dagaalkii ka dhacay Ceeryaan ee gobolka Sanaag, halkaa soo uu ku waayey saddex wiil oo uu laba ka mida dhalay midka kalena uu walaalkii dhalay.

Kulankaasi oo ahaa mid madaxweynuhu uu ugu horayn ka tacsiyadeeyey geerida saddexda wiil oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil, sidoo kalena waxa uu u madaxweynuhu ka balan qaaday oday Jaamac in Xukuumadda iyo qaranka Somaliland ay la korinayaan ubadkii ay ka tageen saddexda marxuum, laga bilaabo maantana ay ka xukuumad ahaan kafaalo qaadeen, korinta, barbaarinta iyo waxbarashada ubadkaasi, balse aanu keli ku noqonayn daryeelkooda ee uu niyada u sheego in qaranku barbartaagan yahay marwalba, wixii hadda ka danbeeya.

Waxaanu madaxweynuhu oday Jaamac Maxamuud Ismaaciil ku hambalyeeyey go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, kuna demiyey colaadii labada beelood ku dhex martay degaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee dhawaan la soo afjaray.

Xubnaha kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey waxa ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Dheere, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirka Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

Wa-bilaahi tawfiiq

Image may contain: 1 person, smiling, standing and indoorImage may contain: 2 people, people standing, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoor

COMMENTS

%d bloggers like this: