Deg Deg : Talis Cusub oo La wareegay Xukunka Suudaan iyo Madax Sare oo La Xidhay.

KHARTUUM (HCTV) War goor dhawayd uu telefishanka ka sheeegay wasiirka difaaca ee dalka suudaan  Awad Mohamed Ahmed Ibn Auf, ayaa sheegay in lakala diray dawladdii Madaxwayne Cumar xasan Al-Bashiir isla markaana ay Talada la wareegeen Gole Militeri oo xilka hayn doona laba sanadood.

“anigoo ah wasiirka difaaca waxaan halkan ka shaacinayaa in xukuumadii  la Af-gambiyay , Hogaamiyihiina la xidhay oo lagu hayo Goob ammaan ah ” ayuu ku sheegay fariinta uu Mr. auf ka jeediyay Telefishanka.

Mr Awad Mohamed, wasiirka difaacu waxaa kale oo uu sheegay in dalka lagu soo rogay  xaalad deg deg ah oo soconaysa saddex bilood, dastuurkii wadanka ayuu sheegay in la laalay guud ahaanba.

Hawada wadanka ayaa la xidhay  muddo 24 saacadood ah lamana ogola  in diyaarado ay soo galaan sida uu sheegay wasiirka difaacda ee hadalka ka jeediyay telefishaka dawladda

SARAAKIIL SARSARE OO LA XIDHAY.

Taliska  Cusub ee la wareegay Talada wadanka Suudaan ayaa amray in xabsiga loo taxaabo masuuliyiin sare sare oo ka xilal muhiim ah ka hayay xukunka la afgambiyay ee Cumar Xasan Al Bashiir.

Masuuliyiinta la xidhay waxaa ka mid ah

  • Ra’iisal wasaarihii dalka Mohamed Taher Ayala.
  • Madaxwayne ku xigeenkii hore ee dalka Berri Hassan Saleh 
  • Ahmed Haroun,madixii xisbiga talada hayay ee magaciisa loo soo gaabiyo NCP. 
  • wasiirkii hore ee difaaca ee dalkaasi,Abdel Rehim Mohamed Hussein. iyo xubno kale oo wasiiro ah ayaa xabisga loo taxaabay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha militeriga ee talada la wareegay.

dibad baxayaal badan ayaa tuban wadooyinka magaalada Khartuum kuwaasi oo dhagta u taagaya  awaamiirta hadba kasoo yeedhaysa saraakisha la wareegay xukunka wadankaasi.

Wararka kasoo kordha arrintaasi halkana kala soco.