Halkuu Ku Dambeeyay Cumar Xasan Al-bashiir ? (Akhri Wararkii U Dambeeyay)

Halkuu Ku Dambeeyay Cumar Xasan Al-bashiir ? (Akhri Wararkii U Dambeeyay)

Milatariga Sudan Oo Diiday Gole Aqlabiyada Shacabku Leeyihiin In Dalkaa Uu Xukumo
Shiinaha Oo Muslimiinta Gobolka Xinjiang Ka Joojiyey Inay Soomaan Bisha Ramadaan
Hargeysa Oo U Diyaargaroobaysa Munaasibada Ciida Iyo Masuuliyiin Booqda Suuqa Waaheen
Tahriibayaal Saddex Ka Mid Ah Lagu Eedeeyay Inay Markab Shidaal Afduubeen
Taageerayaal U soo Baxay Soo Dhawaynta Guddoomiye Cirro.

Khartoum (HCTV) – Hoggaanka Milletariga Dalka Suudaan ayaa Xabsiga u dhaadhiciyey Cumar Xasan Al-bashiir oo Toddobaadkii hore uu Ciidanku Xilka ka tuuray.

Sidaana waxa Arbacada Maanta sheegtay Wakaaladda Wararka ee AFP oo soo xiganaysa Qoyska Cumar Xasan Al-bashiir.

AFP oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay ayaa sidoo kale sheegtay in Al-bashiir Xabsiga loo dhaadhiciyey, iyadoo Dibed-baxayaashu ku sii adkaysanayaan Hor-fadhigooda Xarunta Taliska Ciidammada ee Magaalada Khartoum, iyagoo doonaya in Milletarigu uu awoodda ku wareejiyo Rayidka.

Goob-joogeyaal ku sugnaa meel ku dhow Xabsiga oo Waqooyi ka xiga Magaalada Khartoum ayaa sheegay in xilligii Al-bashiir Xabsiga la keenayey ay jireen Kolonyo Ciidamo ah iyo Xubno ka mid ah Milletariga ah oo Dibedda Xabsiga ku sugnaa.

Milletariga ayaa hore u sheegay in Al-bashiir uu ku sugan yahay Goob Amaan ah oo ka mid ah Magaalada Khartoum.

Wakaaladdu waxay soo werisay in Xabsiga Kober ee loo wareejiyey Al-bashiir uu  gunaanad u yahay 30-kii sannadood ee uu dalkaasi ka talinayey.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online

 

COMMENTS

%d bloggers like this: