Madaxweynayaashii Maamulada Oromada Iyo Amxaarada Oo Xilal Loo Magacaabay

Addis Ababa, (HCTV) – Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa maanta Ansixiyey saddex Wasiir oo uu soo magacaabay Raysal Wasaaraha dalkaasi Abiy.

Wasiiradan la magacaabay isla markaana la Ansixiyey ayaa waxa ka mid ah Madaxweynihii hore ee gobolka Amxaarada Gedu Andargachew oo loo magacaabay Wasiirka Arimaha Dibada dalka Ethiopia.

Halka Madaxweynihii hore ee gobolka Oromada Lemma Megersa laga dhigay oo loo magacaabay Wasiirka Difaaca isla maanta ay Baarlamaanka Ethiopia ansixiyeen.

Sidoo kale waxa la ansixiyey Engineer Aish Mohammed- oo ah Wasiirka Dhismaha iyo Horumarinta Magaalooyinka, waxaanay hore u ahayd Wasiirka Gaashaandhiga.

Dhinaca kale Golaha Oromada ee Kililka Oromada ee dalka Ethiopia ayaa kulan degdeg ah yeeshay si loo soo magacaabo cida badalaysa Madaxweynaha hore ee Maamulka Oromada Lemma Megesa.

HORN CABLE TV.