India: Cod-bixiye Iska Gooyey Fartii Uu Ku Codeeyay

India (HCTV)  – Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa iska jaray farta Soomaalidu u taqaano Murdisada, ka dib doorashadii guud ee Dalkaasi ka dhacday.

Pawan Kumar ayaa ku wareeray Caalamadihii Qalabka Electronic-ga ah ee doorashada lagu codaynayey, waxaanu si aan ku talo-gal ahayn ugu codeeyay Xisbiga Raysal-wasaare Narendra Modi, sida uu Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay Pawan Kumar walaalkii.

Kumar oo da’diisu 25 jir tahay, ayaa cod-bixinta ka dib isagoo jaho-wareersan tagay Guriga, ka dibna Mindida Hilibka iskaga gooyey Fartii uu ugu codeeyay Xisbiga Raysal-wasaare Modi.

Kailash Chandra oo ay Walaalo yihiin Kumar, ayaa AFP khadka telefoonka ugu sheegay inuu Walaalkii ku faraxsanaa inuu markii ugu horreysay taariikhda uu codeeyay “Aad buu ugu faraxsanaa inuu markii ugu horreysay weligee codeeyay..” ayuu yidhi, laakiin farta uu iska gooyey ayaa lahayd khad Guddiga doorashadu ugu talo-galeen in lagu garto qofka codeeyay, si aanu mar kale u codaynin.

Khadka Kumar farta loo mariyey ayaanay suurto-gal ahayn in si fudud loo masaxo, laakiin isagu fartiiba wuu jaray.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka