Duufaanta Kenneth Oo Ku Wajahan Bariga Afrika

Maputo, (HCTV) – Bulshooyinka ku dhaqan koonfurta dalka Tanzania gaar ahaana gobolka Mtwara iyo waqooyiga dalka Mozambique ayaa digniin loogu jeediyey inay u baxaan dhulka sare oo ay gabaad ka raadsadaan.

Hay’adda duulimaadyada qaranka Mozambigue ee la yidhaa LAM ayaa joojisay dhamaan duulimaadyada caasimada Maputo iyo Pemba oo ku yaala xeebaha waqooyi maadaama oo ay magaalooyinkaasi ku soo fool leedahay duufaanta Cyclone.

Hay’adda saadaasha hawada iyo la socodka cimilada ee dalka Mozambigue ee (INAM) ayaa digniin ka soo saartay in duufaantu ay tahay mid halis ah.

Roobabkan da’aya iyo dabaylaha dhacaya ayaa la sheegay in saacadiiba ay jarayaan 140 ilometres, hase yeeshee mid ka mid ah mulkiilayaasha hotelada oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi “Waxaanu haysanaa biyo, waxa aanu haysanaa mishiinada laydhka, waanu ka diyaagarownay waxaananu samaynaynaaa wax kasta oo suuragal ah,” sidaasi waxa yidhi mulkiilaha hotel yar oo ku yaala magaalada Mucojo.

Bishii la soo dhaafay duufaanta Idai ayaa sababtay in boqolaal qof ay ku dhintaan gobolkaasi, halka tiro ka badan 900 qof ay ku dhinteen dablo iyo duufaano wada socda oo ku dhuftay dalalka Mozambique, Malawi iyo Zimbabwe. Sidoo kale tiro ka badan saddex milyan oo qof ayaa u baahan gargaar degdeg ah oo lala soo gaadho.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA