Maraykanka Iyo Ururka Daalibaan Oo Kulan Ku Yeeshay Doxa, Qatar

Doxa, (HCTV) – Dalka Maraykanka iyo ururka Daliban ee ayaa yeeshay wareegii 6aad ee kulan u socday tan iyo bishii July, kaas oo lagu raadinayo xal laga gaadho dagaalka Afghanistan.

Masuuliyiin ka kala socda Ururka Daalibaan iyo dalka Maraykanka ayaa kulankan kaga wadaxaajoonaya arimaha dalka Afghanistan, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeen ka tirsan ururka Daliban maanta oo arbaca ah, waxaana labada dhinac ay cusboonaysiiyeen sidii loo dhaqaajin lahaa nabad ku soo dabaalida dalkaasi.

Zabiullah Mujahid ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP oo uu soo xigtay Telefishanka HCTV “Wareega lixaad ee wadahadalada ayaa maraykanka iyo Taiban uga bilawday maanta magaalada Doxaha ee dalka Qatar,”

Inkastoo Wafaarada Maraykanku uu ku leeyahay Kabul aanay wax war ah oo degdeg ah ka soo saarin, Balse waaxda arimaha dibada ee dalka Maraykanka ay sheegtay in ergooyinkooda nabad raadiska Afghanistan ahi, Zalmay Khalilzad, ay socdaal ku tagi doonaan Doxa bishan si ay ula kulmaan Taliban, Maraykankuna uu raadinayo in la soo afjaro dagaalka dheeraaday ee dalkaasi Afghanistan ka socda.

Kulankii shanaad ee wadaxaajoodka nabada, ayaa bilaabmay bishii February iyo March oo socday 11 maalmood, inkastoo kulankaasi hore uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan ayaa hadana labada dhinac waxa ay wada saxeexeen Hanaan qabyo ah oo ay ku jireen in Ciidamada Maraykanka laga saaro Afghanistan, halka Talibana ay balan qaaday in dhulkooda Afghanistan aanay u ogolaan doonin kooxaha Caalamiga ah ee Argagixisada loo yaqaano.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA