Masaajidkii Ugu Weynaa Turkiga Oo Madaxweyne Erdogan Xadhiga Ka Jaray

Istanbul, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta oo jimce ah xadhiga ka jaray Masaajidka ugu weyn dalka Turkiga.

Masaajidkan la furay Caasimada Istanbul oo la yidhaa Camilica ayuu dhismihiisu socday lix sanadood, kaas oo bisha barakaysan ee Ramadaan oo maalinta Isniinta la filayo inay bilaabanto lagu tukan doono.

Masaajidkan cusub ayaa qaadi kara in 63,000 qof ay mar kaliya ku cibaadaystaan, waxaana masaajidka loo nashqadeeyey nashqadihii Cusmaaniyiina ee (Ottoman-Seljuk style of architecture), waxaana si fudud looga arki karaa Masaajidka dhinac kasta oo Caasimada ah.

Masaajidkan cusub ee Madaxweynaha dalka Turkigu uu xadhiga ka jaray ayaan ahayn Masaajid kaliya balse waa dhisme isku qoofalan oo ay ku jirto Madxaf ay yaalaan Farshaxankii Islaamka Turkiga, Maktabad, Hool Shirarka lagu galo, Makhaayad iyo sidoo kale meel gawaadhida la dhigto oo qaadi karta 3,500 gaadhi.

Masaajidkan ayaa sidoo kale leh lix minaaradood oo u taagan lixda Tiir ee Iimaanka Islaamka, waxaana afar minaaradood oo ka mid ah dhererkoodu yahay 107.1 miter oo ka turjumaya tiradii ciidanka boqortooyadii Seljuk ee ka guulaystay ciidamadii Byzantine-ka ee Romanian-ka oo tiradoodu dhamayd 1071.

Halka Dome-kiisu (qudbi) uu dhererkiisu yahay 72 ka turjumaya 72-ka jinsiyadood eek u nool magaalada Istanbul, halka 34 meter ee masaajidku ku fadhiyaa ay u taagtan tahay Numberka Taarikhada Gaadiidka ee laga isticmaalo Istanbul.

Horn Cable Tv,

Waaxda online-ka