Maxkamad Dil Ku Xukuntay Dhallinyaro Lagu Eedeeyay Argagixiso-nimo

Maxkamad Dil Ku Xukuntay Dhallinyaro Lagu Eedeeyay Argagixiso-nimo

UCID Oo Madaxweynaha U Soo Jeediyey Inuu Kala Diro Goleyaasha Deegaanka
Xildhibaan Dhakool Oo 38 Maalmood ka dib Helay Xoriyadiisa.
Somaliland Oo Shaacisay In Markab Xoolo Ka Qaaday Berbera Uu Ku Xaniban Yahay Jeddah
Wariyeyaal Ka Tirsan Telefishanka Eryal Oo Hargeysa Lagu Xidhay
Malaysia Oo Kulan Ka Yeelatay Joogitaanka Dalkooda Ee Sheekh Zakir Naik

Boosaaso (HCTV) – Maxkamadda sare ee ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay 5 dhalinyaro Soomaali ah oo lagu helay danbi ah in iyagoo ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish ay hawl-gallo ka fuliyeen deegaamada Puntland.

Maxkamadda  ayaa sidoo kale xukuntay 11 Qof oo dhallinyaro ah, kuwaasi oo iyagana lagu eedeeyay inay dhammaantood ka mid ah yihiin Al-shabaab.

“Dhammaan Xukuneyaashaasi waxay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab iyo Daacish, 5 xukumane waxay Maxkamaddu ku xukuntay dil Toogasho ah, waxayna Xukunkaa u cuskatay Xeerka la dagaalanka Argagixisada ee Puntland, waxaana shantaa xukunsane ka mid ah Cabdi Aada Xasan Cumar, Xuseen Jaylaani Isaaq, Maxamed Maxamuud Cali.” Sidaa waxa ku dhawaaqay Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadaasi, Maxamuud Nuur Muuse

Dadka la xukumay ayaa hore Rafcaan u qaatay, laakiin Maxkamadda sare ayaa Maxkamadda hore ku raacday xukunkeeda, waxayna Shan ka mid ah dhallinyaradaa ku xukuntay Dil toogasho ah, halka 11 kalena ay ku xukuntay xukuno u dhexeeya xabsi 20 sano iyo illaa Xabsi daa’im.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

 

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: