Xisbiga Waddani Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Iyo Somaliland

Xisbiga Waddani Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Ingiriiska Ee Somaliya Iyo Somaliland

Deg Deg : Dab ka Kacay Suuqa Bakaaraha.
Somalia Oo Ciidamo Iyo Saanad Militari Ka Dajisay Dhuusa-Mareeb
Xildhibaan Senate-ka Ka Tirsan Oo FBI-da Ugu Baaqay In La Baadho FaceApp
Afar Dhallinyaro Ah Oo Ka Mid Ahaa Barnaamijka Shaqo-Qaran Oo La Eryey (Akhri Sababta)
Shirkadda Maamusha Haamaha Shidaalka Berbera iyo Xukuumadda

Hargeysa, (HCTV) – Hoggaanka Xisbiga WADDANI ayaa kulan la qaatay safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Ben Fender oo uu weheliyo madaxa Xafiiska UK ee Somaliland Mr Stuwart Brown.

Madaxda xisbiga WADDANI iyo Danjireyaasha Ingiriiska ayaa ka wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee Somalilang gaar ahaana xaaladdii Degdegga ahayd ee meelo ka mid ah Sanaag iyo xadhigga soo noqnoqday ee masuuliyiinta xisbiga, xildhibaannada iyo saxaafadda.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa kulanka ku wehelinayay guddoomiyaha ku meel gaadhka ah Xil Cabdiqaadir Jirde, hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X . Xasan, xoghayaha guud Khadar Xuseen, xoghaye ku xigeenka Jamaal Jaamac iyo xoghayaha gaarka ah ee guddoomiyaha Cabdiqaadir Iidle

Waaxda War Faafinta ee xisbiga WADDANI

Hargysa.Somaliland

COMMENTS

%d bloggers like this: