Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Somalia Oo Waraysi Gaar Ah Siiyey HCTV (AKHRI)

Safiirka Ingiriiska U Fadhiya Somalia Oo Waraysi Gaar Ah Siiyey HCTV (AKHRI)

Nairobi: Ujeeddada Dibed-bax Ay Sameeyeen Ganacsatada Islii
Madaxweynaha China Oo Madxda Africa U Balan Qaaday Inuu Hir Galinyaayo Maalgalin Dhan 6 Bilyan
Thailand Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta Doorashooyinka
IRAN Oo Soo Ridday Diyaarad Maraykanku Leeyahay
Xildhibaan Indho-indho Oo Ka hadlay Farriin Somaliland Uga Timid Puntland

Hargeysa, (HCTV) – Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Somalia, Ambassador Ben Fender ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Telefishanka HCTV waxa uu kaga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Khilaafka Xisbiyada Somaliland, Qabsoomida Doorashada Baarlamaanka, Saxaafada, wadahadalada Somaliland iyo Somalia iyo Xaalada Abaaraha, dhibaatooyinka dhinaca cuntada ee Somaliland iyo Somalia ka jirta, xaalada Muqdisho iyo Dagaalka Al-shabaab lagula jiro iyo arimo kale oo dhawr ah.

Waraysigaas oo dhamaystirana waxa uu u dhacay sidan:

S: Mudane Safiir Marka U Horaysa Waxaad Warbixin Naga Siisaa Ujeedada Socdaalkaaga Somaliland, Cida Aad La Kulantay Iyo Arimaha Aad Kala Hadashay?

J: Waad ku mahadsan tahay inaad igu martiqaado, Tani waa booqashadaydii koowaad ee laba geesood ah ee aan ku imid Hargeysa, waxaan halkan imid dhawr todobaad ka hor aniga oo la socda koox Safiiro Midawga Yurub ah, run ahaantiina waxay ahayd fursad aan ku arko Madaxweynaha iyo inaan wax ka arko shaqada xafiiska Britain ee Hargeysa uu qabanayo.

Sida aad ogtahay Britain waxay xidhiidh dheer oo taariikhiya la leedahay halkan oo qayb ka ah aduunka, waxa jiray dad ka yimid Hargeysa, Berbera iyo meelaha ku dhaw halkan, kuwaas oo soo galay dalka UK oo dagay in ka badan boqol sano ka hor. Waxaana jiray xidhiidh aanu wada lahayn xiligii maxmiyada.

Balse waxa muhiim ah nooca wada shaqaynta ee hada socota, sidaa darteed waxaan arkay shaqada aanu qabano, iyo sida aanu u taageero Bileyska iyo Cadaalada halkan, tusaale ahaan shaqada aanu qabano waxa ka mid ah inaanu gacan ka gaysano kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo sidoo kale inaanu ka wadashaqayno horumarino habnololeedka iyo jidka Berbera Corridor.

Meelo kalena wax ayaanu ka qabanaa oo ay ka mid yihiin daryeelka iyo ilaalinta duurjoogta, waxaan habeen hore la kulmay madaxa waxbarashada bilaashka ah anaga oo libin laabnay tirada waxbarasho bilaash ah ee aanu sanad kasta siino dadka Somaliland nooga yimaada.

Sidaa darteed, run ahaantii ujeedada booqashadaydu waxay ahayd in aan la hadlo xubno dawladda ka tirsan oo aan kala hadlo xidhiidhka aanu wadaagno iyo in aan arko tusaalaha dhabta ah ee iskaashiga aanu halkan ka samayno iyo in aanu sii wadno.

S: Waxa Jira Khilaafyo U Dhexeeya Xisbiyada Siyaasada Somaliland, Waanad La Kulantay, Maxay U Dhici Wayday In Xal Rasmi Ah Loo Helo Caqabada Ka Taagan Qabsoomida Doorashooyinka?

J: Dabcan, Su’aasha doorashooyinku, waa mid lagama maarmaan u ah dadka Somaliland inay xal ka gaadhaan, balse waxaan u malaynayaa inay tahay su’aal muhiim ah, doorashadii ugu dambaysay ee Golaha Hoose ee Somaliland waxay ahayd 2005-tii, run ahaantiina mudo dheer ayay ahayd, waxaanu jeclaan lahayn in Somaliland ay noqoto meesha ugu wanaagsan, waanay noqon kartaa, Aragtidayadana taasi waa mudo dheer.

Sidaa darteed, waxaan ku boorinayaa xubnaha xisbiyada siyaasada inay isku dayaan inay heshiis gaadhaan si ay suuragal u noqoto in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, dabayaaqada sanadkan.

Waaan u malaynayaa in tahay mid muhiim u ah sumcada Somaliland iyo inay muhiim u tahay dhamaystiranka siyaasada gudaha Somaliland. Waxaana jira dad badan oo da’yar oon waligood cod doorasho dhiiban, Wixii ka dambeeyey doorashadii Baarlamaanka, Xubno baarlamaanka ka tirsan may arag wajiyadooda baarlamaanka gudihiisa.

Sidaa daraadeed waxaan filayaa inay muhiim tahay in xisbiyada siyaasadu ay raadiyaan Tanaasulaad suuragaliya in doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto dib u dhac la’aan, taasina maaha mid degdeg ku ah diyaargarowga doorashadu inay qabsoonto. Waxa muhiim ah inay la yimaadaan xal siyaasi ah sida ugu dhakhsaha badan Ramadaan ka dib.

S:  Ma Jirtaa Dhaqaale Dawladda UK Ay U Qoondaysay Doorashada Oo Aad Bixiseen?

Waxaanu ka mid nahay kuwa ugu weyn ee taageerada siiya Guddida Doorashooyinka Qaranka, Waan la kulmo shalay, waxay qabteen shaqo wanaagsan, waxay diyaariyeen doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanku inay dhacdo, waxaan filayaa inay diyaar yihiin, oo ay dhaqaajiyaan hanaanka diiwaangalinta codbixiyeyaasha sida ugu dhakhsaha badan ee loo helo xeerka codbixinta, iyo sida ugu dhakhsaha badan ee ay u timaado heshiiska xisbiyada siyaasadu. Sidoo kale arinta aan hoosta ka xariiqayaa waxa weeyaan in la sameeyo oo la meelmariyo xeerkaasi oo ogaalada in doorashadu qabsoonto.

S: Somaliland iyo Somalia-ba waxa ka jira Abaar, Cunto Sugnaansho la’aan iyo xiligii Roobka wakhtigiisii ka dib dhacay, sida ay sheegayaan Ururada Samafalku, Waa Maxay Doorka UK Ee Arimahaasi Ku Saabsan?

J: UK waxay ka mid tahay kuwa ugu waaweyn ee deeqaha bini’aadanimo bixiya qaybo badan oo aduunka ka mid ah, iyagoo ay barbar socdaan Maraykanka iyo Midawga Yurub, Hada waxaanu fasaxnay 8 Milyan oo Bound oo kharashaad dheeraad ah dheeraad ah, waxaana qaybo ka mid ahi ay mari doontaa hay’adda Qaramada Midoobay iyo Ururada si loo gaadhsiiyo meelaha aadka ugu baahan.

Balse arinta muhiimka ahi waxa weeyi in aanu sanado badan ka shaqaynaynay, in aanu gurmad ka galno abaarta, tani maaha abaartii ugu horaysay ee dhacda, waxaanu hogaaminaynay wadamadii 2017-kii ka jawaabay abaartaasi.

Waxaana muhiim ahayd in aanu taageero siinay bulshada si ay adkaysi uga yeeshaan dhibaatooyinka mustaqbalka. Sida aad sheegtay, saadaaluhu waxay tilmaamayaan in sanadkani uu yahay mid adag, balse waxaan filayaa in Dawladaha halkan iyo maamulka Garoowe iyo dawlada Muqdisho ay ka jawaabayaan xaalada, aniguna waxaan ku niyad samahay wadashaqaynta saaxiibada UK oo kale ah, waanu maamuli doonaa arimaha ay Abaartu sababayso.

S: Xukuumada Somaliland Iyo Ciidamada Bileyska Waxa lagu eedeeyaa inay ku xadgudbaan Xoriytul Qawlka, Suxufiyiin tiro badan Waa La Xidhay, Xubno Mucaaridka ka tirsan Xabsiyada Ayaa Loo Taxaabay iyo Wargeysyona xayiraadbaa la saaray, Dadka Qaar waxay yidhaahdaan dawlada Ingiriisku waligeed may cambaarayn Talaabooyinkaasi ka dhanka ah Hanaanka Dimuqraadiyada iyo Isku Xukunka Sharciga, Maxaad Arintaasi Ka Leedahay?

J: Waxaan la wadaagayaa walaaca ku saabsan falalkii dhawaanahan dhacay, balse UK waxay ka jawaabaysaa inay gacan ka geysanayso in sharciga dalku uu shaqeeyo, Waxaanu gacan siinaa Garsoorka si aanu u taageerno hanaanka sharciga, si aanu u horumarino oo loo xushmeeyo cabashooyinka heerka xuquuqal insaanka, sidaa daraadeed waxaanu taageerna hanaanka cadaalada, tusaale ahaan anaga oo la socona oo qiimayna guddida si loo gacan siiyo in Xaakinadu aanay waxay doonaan u samayn oo lala xisaabtamo, waxaanu barnaa hanaanka loo maamulo maxkamadaha, iyo sida kiisaska maxkamada loo wado.

Waxaanu Bileyska ku tababarnaa xuquuqda aadamaha, waxaanan u malaynayaa in taasi ay tahay mid la taaban karo oo dhab ah.

Waxaanu doonaynaa in Ciidamada Amniga ee Somaliland ay noqdaan kuwo wanaagsan, waanay noqon karaane, taas oo macnaheedu tahay xushmaynta sharafta dhamaan dadka halkan ku nool.

S: Balse Waxa Jira Walaac Sheegaya In Ay Adagtahay Inaad Suxufi Ka Ahaato Somaliland, Arintaasi ma Kuu Muuqataa?

J: Arintaasi way ii muuqataa, Britain waxay hogaanka u qabatay Wadamada Caalamka ee taageera Madaxbanaanida Saxaafada, waxaanu taageernaa shirarka waaweyn ee ku saabsan Madaxbanaanida Warbaahinta oo lagu qabanayo London 10 iyo 11 July, saddexdii May maalintii madaxbanaanida saxaafada Aduunka waxaan Muqdisho kula kulmay koox suxufiyiin ah, waxaanu ka wadahadalay arimo door ah oo suxufiyiintu la kulmaan.

Waxaanu aad ugu wanaagsanahay taageerada Madaxbanaanida Warbaahinta, anaga oo rumaysan in Warbaahin madaxbanaan ay gacan ka geysan karto burburinta Musuqmaasuqa, iyo in ay gacan ka geysan karaan la xisaabtanka dawlada, taasina waxay noogu muuqataa tusaale muhiima u ah bulsho kasta oo xor ah.

Ilaa iyo hadda Madaxbanaanida Saxaafadu runtii waa hadaf muhiim ah ee sanadkan, waana mid ka mid ah hawlaha Wasiirkayga Arimaha Dibada uu shakhsi ahaantiisu uu ku martigalinayo qabashada shirkan bisha July.

S: Wadahadaladii Somaliland iyo Somalia may qabsoomin dhawrkii sanadood ee u dambeeyey, Dawlada UK-na waxay ka mid ahayd dawladihii dedaalada ugu jiray Wadaxaajoodka Somaliland iyo Somalia, Ma Jirtaa Jid Cusub oo miiska wadahadalka la isugu keeni karo mar kale?

Waxa cad, wadahadalo iyo wadaxaajood kasta oo u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho ama Hargeysa iyo Garoowe, uu yahay mid aan dawladahaasi mahadin, balse waxaan u sheegayaa siyaasiyiinta dhamaantood waxa weeyi, in si aad ah aynu gacan uga gaysano xidhiidh dhab ah oo kalsoonida lagu dhiso, waxaana arinta muhiimka ah in qof walba uu ogaadoay tahay, hadii ay talaabadaasi qaadaan, waxay heli doonaan taageero buuxda oo ay ka helaan bulshada caalamka, waxaanan hubaa in arintaasi iman doonto.

S: Somalia waxay hada u muuqataa inay cagaha la sii galayso amni daro, gaar ahaana Caasimada Muqdisho, oo ay dhibaatooyin iyo qaraxyo ismiidaamin ahi ay ka dhacayaan, Muxuu yahay Doorkaaga Wax Ka Qabashada Amaanka Muqdisho?

J: Waxaan filayaa, Xaqiiqdii in dawlada Muqdisho ay horumar fiican ka samaynayso Amaanka,

Dabcan way jiraan dhacdooyin badan oo dhacaya iyo weeraro dhacaya, base waxaynu aragnaa in markii ugu horaysay sanadkan in la qaaday hawlgaladii milatari ee ugu waaweynaa oo ay sameeyeen ciidamada qaranka Somalia oo dhul ku yaala Shabeelada Hoose ka qabsaday Al-shabaab, gacantana ku hayaan taasina waa mid xaqiiq ah oo hogaamineed, waxaanan u malaynayaa in markii ugu dambaysay ay gurmad heleen dadka goobahaasi jooga.

Sidoo kale waxaynu arkaynaa in dawlada Muqdisho ay qaaday Talaabooyinkii ugu horeeyey ee dib loogu hagaajinayo ciidamada amaanka.

Doorka Britaina waxa weeyi in la horumariyo ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo Bileyska, waxaanu Askarta Soomaalida ah ku tababarnaa Baydhabo, waxaanu maalgalinaa horumarinta Booliska anaga oo maalgalinay dhawr kun oo saraakiil booliska ka tirsan, waxaanan rumaysanahay in tani ay tahay bilawga taageerada Somalia oo hesha ciidan xirfad leh oo si fiican u tababaran.

Waxaan aaminsanahay in tani ay noqon doonto ta isbadal ku keenta Al-shabaab, waxaana bilaabmay ifafaalaha arintaasi.”

Horn Cable TV,

Waaxda Online-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: