Madaxweynaha Mexico Oo Ka Jawaabay Ficillada Trump

Madaxweynaha Mexico Oo Ka Jawaabay Ficillada Trump

RW Somaliya Ayaa Cisbitaalada Muqdisho Ku Booqday Dadkii ku Dhawacmay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho
Madaxweynaha Oo Xadhigga Ka Jaray Dhismayaal Dawladda Loo Dhisay
Sababta Madaxwayne Farmaajo u Furi Waayay Kal-fadhiga Aqalka Sare oo la Ogaaday.
Afrika: Qiimaha Uu Joogo Labiska Ina Trump Oo Wax La’ Iska-weydiiyey
AKHRI: Prof. Cabdi Cali Oo Falanqeeyey Hadalkii Tilayaha Milatariga Somaliland Iyo Ciidamadii U Goostay Puntland

Mexico (HCTV) – Madaxweynaha Dalka Mexico Andres Manuel Lopez Obrador ayaa Jimcihii Shalay sheegay in aanay Dawlad ahaan ka wer-wersanayn cunsuriyadda Madaxweynaha Maraykanka, taa beddelkeedana ay ka wada-hadlayaan.

Lopez Obrador ayaa sheegay inuu Xoghayihiisa arrimaha dibedda Marcelo Ebrard u diri doono Washington si uu Trump u tuso xogta la xidhiidha in Maxico inay hoos u dhigayaan Muhaajiriintiisa.

Lopez Obrador wuxuu sheegay in Dadka Maxico aanay dul-qaad u lahayn ficillada Trump qaarkood “Dadka Maxico uma dul-qaadan karaan Hab-dhaqanka noocaas ah..” ayuu yidhi.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay oo kale in Dalkiisu uu dhammaan Ficillada Maraykanka uga jawaab celinayo si feejigan.

wuxuu ku celiyey in Dadka Muhaajiriinta ah ee Maxico iyo Dalalka kale ee Badhtamaha Ameerika ka qaxayaa ay nolol ka samayn karayaan Dalalkooda, kuna noolaan karayaan.

Dawladda Maxsico oo dagaal kula jirta Muhaajiriinta aan dalkeeda u dhalan ee Maraykanka ku socda ayaa bishii April oo keliya Mastaafuriyey illaa 15000 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: