“Laguma Dhaqmo Dhaartii Iyo Kitaabkii Gacanta La Saaray..” Madasha Wada-Tashiga

“Laguma Dhaqmo Dhaartii Iyo Kitaabkii Gacanta La Saaray..” Madasha Wada-Tashiga

Suudaan: Eedaymaha Loo Haysto Al-bashiir Oo Maanta Maxkamadda La Geeyay
Baarlamanka Australia, oo Go’aan ka Gaadhay Xildhinaabkii Beedka lagu Jabiyay.
Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Balcad Lagu Dilay
WHO Oo Ka Wer-wersan Cudurka Ebola Oo Mar Kale Ka Dillaacay Congo
Hoggaamiyihii Al-qaacida ee Koonfurta Qaaradda Asia Oo Lagu Dilay Afghanistan

Hargeysa (HCTV) – Xubno ka mid ah Guddiga Madasha Wadatashiga Somaliland oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in laga baydhay ku dhaqankii Dastuurka isla-markaana dhaartii ay Illaahay u dhaarteen Masuuliyiinta Dawladdu aanay ku dhaqmin.

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud iyo Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi iyo Xubno dhallinyaro ah oo Guddigaasi ka mid ah ayaa soo jeediyey in sharciga la ilaaliyo oo Ilaahay lagaga yaabo dhaartii.

Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Madaxdeena marka xil loo dhiibayo mid walba waxa lagu dhaariyaa (Kitaabka), waynu ognahay culayska dhaartana, markaa Madaxdeenu ha gartaan Culayska dhaarta..”

Cabdisalaan Yaasiin Gabaxaddi ayaa isaguna yidhi “Innaga waxay noqotay in inta la dhaarto oo Kitaabkii Gacanta la saaro oo Dhaartii Dastuurka loo laqimo, in Maalin walba haddana Dastuurka la jabiyo oo lagu tumanayo oo inamadii ku dhaartay ku tumanayaan oo aan loo hoggaansamayn, taasina waxay tilmaamaysaa inaynu ka been sheegnay dhaqankii iyo Dawladnimadii wanaagsanayd ee aynu doonayney..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: