India: 150 Caruur Ah Oo U Dhintay Khudrad Sumaysan

Bihar, (HCTV) – Khudrad cas oo ka mid ah khudradaha laga Isticmaalo dalka Indiya gaar ahaana gobolka Bihar magaaladiisa Muzaffarpur ayaa lala xidhiidhiyey dhimashada 150 caruur ah gobolka waqooyi ee dalkaasi

Khudrada la rumaysan yahay inay dhalisay masiibadaasi ee la sheegay inay sumaysan tahay ayaa ah mid asal ahaan ka soo jeeda dalka ay Hindiya jaarka yihiiin ee Shiinaha waxaana sidoo kale la sheegay in ku dhawaad 200 oo caruur ay dhibaato ka soo gaadhay ha ugu darnaadaan 100 ka mid ah oo xaalad adag ku jir ayaa waxa ku socota daweyn.

Dhibaatada ayaa la sheegayaa in sanad kasta marka xagaaga la gaadho ay ka dhacdo Gobolka Bihaar, xiligaas oo khudaartu ay soo go’do balse sanadkan ayay dhimashadu korodhay oo ay cirka isku shareertay.

Waxaana dhimashadan caruurta ee korodhay ay keentay su’aalo badan oo la iska waydiiyey in ay caruurtu huneen khudradan iyo in siyaabo kale ay u waxyeelaysay jidhkooda.

Waxaana gudaha khudaarka marka la kala jeexo lagu arkayaa Midhaha Siidhka iyo Qalka sare waxaana midhaha siidhka gudaha ku jira badanaa ay ka kooban tahay macdanta amino acid – oo loogu yeedho hypoglycin-A am methylene cyclopropyl glycine (MCPG) – taas oo badanaa ku dhacda khudaarta marka ay sun ku jirto, sida ay tilmaantay cilmi baadhis 2017-kii uu sameeyey wargeyska arimaha caafimaadka wax ka qora ee the Lancet Global Health medical journal, waxaana lala xidhiidhinaya mushkilada ka dhacday gobolkaasi Bihaar ee dalka India arintan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.