Qiimaha Diyaaradii Iran Soo Riday Oo La Shaaciyey

Washington, (HCTV) – Iran ayaa dhulka soo dhigtay diyaarad drone ah oo la sheegay inay maraysay marinka muhiimka ah ee Hormuz, gaar ahaana meel u dhaxaysa Gacanka Beershiya iyo Gacanka Oman. Iran ayaa waxay xaqiijisay in diyaaradan drone-ka ah ee ay soo riday uu nooceedu ahaa RQ-4A Global Hawk, waxaana diyaaradaasi qiimaheedu uu dhamaa $220 million.

Weerarkan ayaa cirka ku sii shareeray xiisadii markeeda horeba laalnayd ee u dhaxaysay Maraykanka iyo Iran – gaar ahaana sababtu ay tahay qiimaha iyo xasaasi ahaansha farsamo ee ay lahayd diyaarada la soo riday ee drone-ka ahayd.

Ciidamada ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay khamiistii in hawada dalka Iran ay soo gashay diyaarad Global Hawk oo lagu farsameeyey barnaamij balaayiin dollar la galiyey oo ku taariikhaysnaa 2001-dii, taas oo markii ay soo gashay biyaha iyo hawada dalka Iran ay ciidamadu dhulka soo dhigeen.

Hase yeeshee taliska dhexe Maraykanka ayaa iyaguna xaqiijiyey waxaanay tilmaameen in goobta weerarku ka dhacay ee diyaaradoodu ay duulaysay ay ahayd hawada sare ee biyaha caalamiga ah.

Dhacdadan ayaa timid xili xaaladu ay markeedii horeba cirka ku shareernayd todobaadkii la soo dhaafay kaas oo dawlada Maraykanku ay ku eedaysay Iran inay weerartay laba markab oo shidaal siday oo marayey gacanka Cumaan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.