Marxuum Abwaan Singub Oo Si Maamuus Leh Loogu Aasay Jigjiga + SAWIRRO

Marxuum Abwaan Singub Oo Si Maamuus Leh Loogu Aasay Jigjiga + SAWIRRO

Kenya: Nin Mindi Ku Hubaysan Oo Weerarray Madaxtooyada
Xaaji Cabdi Waraabe Oo Aas Qaran Loogu Sameeyey Degaanka Toon Ee Hargeysa
Haweenka Tanzania Oo Lagu Dhiirigeliyey Inay Ubad Badan Dhalaan
22 Dawladood Oo Cambaareeyay Sida Uu Shiinuhu Ula Dhaqmayo Muslimiinta Dalkiisa
Shirka Labaad Ee Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Burco Ka Furmay

Jigjiga (HCTV) – Jimcaha Maanta, waxa Magaalada Jigjiga aas Qaran loogu sameeyay Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) 00 Doraad ku Geeriyooday Magaalada Addis Ababa.

Marxuumka oo Meydkiisa Magaalada Addis Ababa lagaga soo qaaday diyaarad, ayaa waxa Xabaalihii lagu aasayey geeyay Ciidammada Amniga Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Diyaaradda ka soo dejiyey Meydka.

Aaska Marxuum ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal Qof oo Hal-doorka Bulshada Soomaalida ah, kuwaasi oo ka kala yimid guud ahaan dhulka Soomaalidu degto.

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cagjar oo Xukuumaddiisu ka shaqaysay in si Maamuus leh loo aaso Abwaanka ayaa halkaa Hadal ka jeediyey, waxaanu Marxuumka ka Tacsiyadeeyay Eheladiisa iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Ergooyin Aaska ka qayb-galay oo ka kala socday Muqdisho, Hargeysa, Jabuuti, Kenya iyo Meelo kale oo badan ayaa buux dhaafiyey Garoonka diyaaradaha ee Meydka Marxuumka laga soo dejiyey iyo Hareeraha Xabaasha.

Dadka Aaska ka qayb-galay oo halkaa u tagay inay muujiyaan ahmiyadda uu Bulshada Soomaalida Agtooda ka lahaa Abwaanku ayaa Wejiyadooda laga dheehanayey siday uga murugaysan yihiin Geerida Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Singub).

Waxa Xusid mudan, in Naxashka Meydka Marxuumka lagu siday Dusha laga saaray Maro Cad, taasi oo la sheegay in looga jeedo inay astaan u tahay in Marxuumku ahaa Abwaan nabadeed, isla-markaana uu mar walba nabadda ka shaqayn jiray.

HCTV wuxuu idiin soo gudbin doonaa Hadalladii laga yidhi Taariikhda Marxuumka oo dhamaystiran

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

COMMENTS

%d bloggers like this: