Somaliland Oo Sheegtay In La Mastaafuriyey Nin Berbera Ku Fidinayey Diinta Kiristaanka

Berbera (HCTV) – Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay Dalka ka Mastaafurisay Nin u dhashay Dalka Maraykanka, ka dib markii la ogaaday inuu Diinta Kiristaanka ku faafinayey Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Gobolka Saaxil, Maxamed Xuseen oo Maanta Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay In Maamulka Gobolku uu daba-gal ku sameeyay nin u dhashay Maraykanka oo sifo Ganacsade oo kale ku soo galay Dalka, laakiin Diinta Kiristaanka faafinayey, ka dibna dalka laga saaray.

Isu-duwaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Muddo laga joogo laba bilood, Nin dhalashadiisu tahay Maraykan oo muddo sannad ah joogay waddanka, Ninkaasi wuxuu waddanka ku soo galay sifo Ganacsi, si Sharci ahna Waddanka wuu ku soo galay.”

Isu-duwuhu wuxuu sheegay inuu qaybiyey Baybayl Afka Soomaaliga lagu Tarjumay oo lagu daabacay Dalka Kenya “Ninkaasi wuxuu faafinayey Diinta Kiristaanka, waxaana daba-gal ku sameeyay Maamulka Gobolka Saaxil, Buugga halkaa yaallaana waa Baybalkii uu Af-soomaali lagu tarjumay, Xaggiisa sare waxa ku yaalla ‘Kitaabka Qudduuska ah’. Ninkaa markii aan ogaanay inuu hawshaa wado, Wasaaradda Ganacsiga ee Ruqsadda siisay ayay War-bixin siiyeen Maamulka Gobolku, markii la ogaaday in hawsha Ninkaasi wadaa in aanay ahayn tii uu Waddanka ku soo galay Waddanka dib looga saaray oo waalla tarxiilay.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha bulshada ee Golaha Guurtida ayaa Shalay War-bixin uu siiyey Gole-weynaha Guurtida wuxuu ku sheegay in Nin suxufi ahi uu Diinta Kiristaanka ku faafinayey Magaalada Berbera, laakiin Isu-duwaha oo hadalkaa daba socda ayaa sheegay in Ninku aanu ahayn Suxufi, balse uu Somaliland markii hore ku soo galay Ganacsade ahaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka