Haweenay Dhibaataysay Aabbo Inay Daryeesho Loogu Shaqaaleeyay

Australia (HCTV) – Gabadh ayaa Aabbaheed oo gaboobay qolkiisa ku xidhay Kamarad Qarsoon, laakiin Shoog-bay qaadday markii ay Kamaraddii Daah-furtay Xad-gudub ay Aabbaheeda gaboobay kula kacday haweenay loo shaqaaleeyay inay daryeesho, taasi oo ka socotay mid ka mid ah Hay’adaha ugu waaweyn Hay’adaha Daryeelka Dadka Gaboobay ee  Australia.

Muuqaalka ayaa muujiyey Corey Lucas oo ahayd Gabadha Shaqaalaha ah oo Cuntada ku khasbaysa Aabbaha 89 jirka ah, ka dibna Gacmihiisa qabanaysa, ka dibna si naxariis-darro ah Sanka ugaga qabanaysa Shay.

Noleen Hausler oo ah Gabadha Aabbaheed dhibaatada la gaadhsiiyey ayaa Kamaradda Qarsoon ee ay Qolka ku xidhay duubtay Tacadiggan Xishood-darrada ah ee lagula kacay Aabbaheeda uu waxyeeleeyay Asaasaqu.

Noleen Hausler ayaa muuqaalka Aabbaheeda la dhibaateeyay oo geeriyooday sannadkii 2015-kii waxay la wadaagtay Booliska, waxaana markaa ka dib la xidhay Lucas oo ah Haweenayda falkan laga cadhoodo ku kacday.

Laakiin, Ms Hausler oo ah Kalkaaliso Caafimaad ayaa muuqaalka Aabbaheeda la dhibaateeyay iyo sheekadiisaba la wadaagtay Guddiga daryeelka dadka waaweyn ee Magaalada Perth, si uu qayb uga noqdo Deraasad ay Guddigaasi samaynayaan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka