Madaxweynaha Somaliland Oo Laalay Xaalad Deg-deg Ah Oo Saarnayd Deegaano Sanaag Ka Mid Ah

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Wareegto uu soo saaray ku laalay Xaaladdii deg-degga ahayd ee uu dhawaan ku soo rogay degmooyin ka mid ah Gobolka Sanaag.

Sidaana lagu lagu sheegay Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo soo gaadhay HCTV, taasi oo iyadoo dhamaystiran u qornayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/G/WAG/WG/ CQS/081/4/224/ 234/037-332/062019, uu ku laalay xaaladdii deg-degga ahayd ee loogu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

 Ujeedo: Laalis Xaalad Deg-deg ah

Ku: Shir-guddoonka Golaha Guurtida                                               Hargeysa

Ku: Shir-guddoonka Golaha Wakiillada                                             Hargeysa

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                                    Hargeysa                                             

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga                                       Hargeysa

Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qaranka                                            Hargeysa

 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 92aad;

Markaan Arkay: In lagu guulaystay dejinta iyo gacan ku qabashada xaaladdii nabad-gelyo darro ee ka dhacday Degmadda Ceel Afweyn;

Markaan Arkay: In Ciidammada Qaranku ay gacanta ku soo dhigeen  ciddii gaysatay iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa falalkii foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishii Ciidammada Qaranka iyo dilalkii kale ee ka dhacay degmadaasi;

Markaan La-tashaday  Taliyayaasha Ciidammada Qaranka iyo Hay’adaha Ammaanka ee ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

1)  In aan laalay Xaaladdii Deg-degga ahayd ee lagu soo rogay Degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Ceerigaabo ee muddadeedu saddexda bilood ahayd.

2) In dhammaan dadkii gaystay fal-dambiyeedyadaasi foosha xun iyo cid kasta oo gacan ku siisay oo u xidhan arrimahaasi sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo sharciga.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.