Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Gobolka Siberia Ee Dalka Ruushka

Siberia, (HCTV) – Laba qof ayaa ku dhintay, halka ay todoba qof oo kale ay ku dhaawacmeen markii diyaarad nooceedu yahay Antonov oo siday 24 rakaab ahi ay si degdeg ah usoo cago-dhigatay madaar ku yaala gobolka Jamhuuriyada Ruushka ee Buryatia ee badhtamaha Siberia.

Masuuliyiinta gobolkaasi ayaa sheegay in diyaaradu ay ka baxday dhabaha markii ay soo cago-dhiganaysay, taas oo keentay inay ku dhacdo dhisme isla markaana uu dab ka kaco.

Guddida baadhitaanada ee Bariga Siberia ayaa u diray koox baadha shilkaasi diyaarada iyo wixii keenay in diyaaradu sida dhakhsaha ay usoo cagodhigato ama ay dhabaha diyaaraduhu ku ordaan ay uga baxdo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.