Meydka Nin Ka Soo Dhacay Diyaaradda Kenya Airways Oo La Helay

London (HCTV) – Booliiska ayaa xaqiijiyay Meydka Nin ku soo dhacay beer ku taalla london.

Baadhitaan dheer kadib waxaa la ogaaday inuu qofkaasi kasoo dhacay diyaarad kenya leedahay oo ka soo duushay Nairobi, kadib markii uu galay meesha Taayirka ay gashato diyaaraddu, ka hor intii aanay soo duulin.

Marki diyaaraddu isu diyaarisay inay ka degto Masaarka Heathrow, ee ay lugaha Fidisay ayuu ka siibtay oo Meydku ku dul dhacay Magaalada London.

Boolisku waxa ay ka heleen goobtii uu ku jiray ninka Dhintay shandad ay ku jiraan shandad iyo cunooyin fudud.

Illaa hadda lama garanin Ninka diyaaradda ka soo dhacay, waxaanu Boolisku sheegay in markii ay Meydka heleen inay la xidhiidheen Dadka deggan deegaanka Offerton Road oo Meydku ku soo dul dhacay.

Boolisku waxay sheegeen in aanay hubin Qofka dhintay inuu Rag yahay iyo inuu dumar yahay, balse waxay u badinayaan inuu Rag yahay.

Afhayeen u hadlay Boolisku wuxuu sheegay in halkii uu ka soo dhacay ee ahayd Godka Taayirka diyaaraddu gasho ay ka heleen Cuntooyin fudud, Biyo iyo waxyaabo kale, waxaanu sheegay in Boolisku ku hawlan yihiin inay xaqiijiyaan Jinsiyaddiisa.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka