USA: Dhul-gariir Mar Kale Ku Dhuftay Gobolka California

USA (HCTV) – Dhul-gariir culus ayaa mar kale ku dhuftay Koonfurta Gobolka California ee Dalka Maraykanka.

Dhul-gariirkan ayaa Cabbirkiisa lagu sheegay 7.1 magnitude, sida laga soo xigtay Saynisyahannada Aqoonta u leh Dhul-gariirrada, waxaana kii ugu weynaa ee Halkaa ku dhufta muddo 20 sanadood gudahood ah.

Dhul-gariirkan ayaa ka dhacay meel Waqooyi-bari ka xigta Magaalada Los Angeles., waxaana Saynisyahannadu sheegayaan inay suurto-gal tahay inuu sii socdo Dhul-gariirku, maaddaama oo kani yahay kii labaad ee muddo Laba maalmood gudahood ah halkaa ka dhaca.

“Kani waa Dhul-gariir Xidhiidh ah, wuxuu sii soconayaa..” ayay tidhi, Dr Lucy Jones oo Shir-jaraa’id qabatay

“Dhul-gariir kastaaba waxay u badan tahay inuu dhul-gariir kale sameeyo..” ayay tidhi, iyadoo hadalkeeda raacisay in boqoliiba 10 u dhow dahay inay isku cabbir noqdaan Dhul-gariirkan iyo ka ay saadaalisay inuu dhacayoo.

Markii Dhul-gariirkani dhacay waxa dab ka kacay Meelo ka mid ah Gobolka California, waxaana jira Dad dhaawacyo soo gaadheen, sida uu sheegay Maayarka Magaalada Los Angeles.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

 

.