Nin Uu Awow U Yahay Nelson Mandela Oo Eedo U Jeediyey Israel

London, (HCTV) – Wiilka uu Awowka u yahay geesigii Aadka ula dagaalamay Midab kala soocii ka jiray dalka Koonfur Afrika ee Nelson Mandela ayaa cambaarayn dusha uga tuuray talka Israelkaas oo muujiyey inay dhinac uga soo wadajeestaan Koonfur Afrika iyo Falastiiniyiintu.

Zwelivelile Mandela, oo xubin ka ah xisbiga dalka Koonfur Afrika hogaamiyaha ee African National Congress (ANC), ayaa hadal ka jeediyey shir maalintii shalay Falastiin uga furmay magaalada London, kaas oo lagu soo bandhigay taariikhda, hidaha iyo dhaqanka Falastiin, oo ay ka soo qaybgaleen 15,000 qof.

Isagoo dad tiro badan khudbad u jeediyey ayaa Zwelivelile Mandela waxa uu tilmaamay in siyaasadihii Israel ay ansixisay 2018-kii ay muujinayeen in taariikh ahaan Israel ay tahay dalka dadka Jewish-ka oo kaliya “Waxaan cadaynayaa, wax aynu ognahay oo dhab ah oo ka jirta Israel” Israel waa wadan siyaasadihiisu ay ku salaysan yihiin astaamihii midab kala sooc ah”.

“Dhamaan calaamadahan aynu ku arkayno Israel waa calaamadihii Mida kala sooca, tan iyo intii ay bilaabantay waxa la sharciyeeyey in dhamaan qawaaniinta dalkaasi ay ka turjumaan kala qaybinta iyo kala qoqobka kuwa kale.” Ayuu yidhi wiilka uu Awowga u yahay Halyeygii la dagaalanka midab kala sooca ku soo caan baxay ee dalka Koonfurta Afrika, Nelson Mandela.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.