Dagaal Ooge U Dhashay Congo Oo Dambiyo Dagaal Lagu Helay

Hague, (HCTV) – Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah ayaa dambiyo ku heshay dagaal ooge hore Bosco Ntaganda, oo u dhashay dalka Congo.

Dagaal Ooge Ntaganda oo da’diisu 45 jir tahay ayaa lagu soo eedeeyey dambiyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin laynta dad shicib ah iyo Askaraynta caruur yaryar oo ka dhacay gobolka macdanta hodanka ku ah ee Ituri sanadadii 2002 iyo  2003. Waxaana xukunkiisa lagu dhawaaqi doonaa dhagaysiga soo socda.

Ntaganda ayaa wajahay 13 dacwadood oo dambiyo dagaal ah, kuwaas oo shan ka mid ahi ay yihiin dambiyo ka dhan ah bani’aadamka, waxaanu ninkani uu door ku lahaa dagaalo iyo iska horimaado ka dhacay gobolka waqooyig.a dalkaasi ku yaala.

Intii dagaaladu ka socdeen dalkaasi Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo ayaa waxa ku dhintay dad tiradoodu ka badan tahay 60,000 qof tan iyo intii ay dagaaladu ka bilaabmeen gobolkaasi 1999, sida ay sheegayaan kooxaha xuquuqda aadamaha.

Sanadkii u dambeeyey, Ntaganda waxa uu u sheegay Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah in eedahaasi ka dhanka ah isaga “aanay dhaafsiisnayn been”.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.