Somaliland Oo Shaacisay In Markab Xoolo Ka Qaaday Berbera Uu Ku Xaniban Yahay Jeddah

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa cadaysay in markab xoolo ka qaaday dekeda Berbera ee Somaliland uu mudo afar maalmood ah uu ku xaniban yahay dekeda magaalada Jiddah ee dalka Sucuudi Carabiya.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Xasan Gaafaadhi oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dawladda federalka ee Somalia ay dagaal xoogle u gashay sidii Markabkaasi xoolaha ka qaaday Somaliland aan looga dajin oo dib loo celiyo.

Isagoo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland uu talaabadaasi ku eedeeyey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somalia oo uu sheegay in wakhti xaadirkan uu ku sugan yahay magaalada Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Wasiir Gaafaadhi oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaad ogtihiin in markab xoolo sida uu afar habeen ka hor uu ka dhoofay dekeda berbera, isagoo usii jeeda dekeda Jiddah ee dalka Sucuudi Carabiya. Markabkaasi wuxuu ku tagay dalab Baanka Islaamiga ah ee xoolaha qaadan jiray oo xoolaha Moosimka Xajka uu dalbaday oo uu yidhi xoolahaasi ha la soo raro oo ha la soo daayo, isaga iyo nimankii carbeed ee xoolaha iibsan jirayba ay bixiyeen damaanad ah in ay markabkaasi diyaar u yihiin dajintiisa la dajinayo, markabku sidaasi ayuu ku dhoofay,” ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somailand Xasan Gaafaadhi, waxaanu intaasi ku daray “Dawladda Muqdisho markii ay ka warheshay Markabkaasi inuu Berbera ka dhoofay duulaan balaadhan ayaa la qaaday, Wasiirkii Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somalia waxa uu u dhoofay Sucuudi Carabiya magaalada Jidah ayuu u dhoofay, wuxuu culays weyn iyo dagaal weyn uu saaray in Markabkaasi aan la rogin, waxaanu la soo hadlay raga leh Maxjarada dalka ku yaala isagoo ku hanjabaya in xoolo Somaliland ka dhoofa oo aan warqada dawladda Muqdisho sidani ka dagi doonin dekedaha Sucuudi Carabiya.

Markabkaasi ilaa iyo hadda waxa uu taagan yahay Jidah, wali xaaladiisuna waxa ay ku sugan tahay waa beenidaali keen, qoladii markabka raratay ee Baanka Islaamiga ahaa iyo Ganacsatadii Carbeed waxay aad iyo aad uga dagaalamayaan in xoolahoodaa la celiyo” ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada xoolaha Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.