Xuduudka Ciraaq Iyo Sucuudiga Oo 29 Sano Ka Dib, Dib Loo Furayo

Ciraaq (Hctv) – Xuduudka u dhexeeya Dalalka Ciraaq iyo Sucuudiga ayaa la rejaynayaa in dib loo furo 15-ka October ee sannadkan 2019-ka, sida uu sheegay Safiirka boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Baqdaad, Salaasada Maanta.

Kaantaroolka Arar oo ah marinka ay iskaga gudbaan labada dhinac, ayaa la xidhay Sannadkii 1990-kii oo ay ka soo wareegtay 29 sannadood, ka dib markii uu xumaaday xidhiidhka labada Waddan, xilligaas oo Madaxweyne Saddaam Xuseen uu weerarray Kuwait.

In xuduudka dib loo furayo ayaa waxa ku dhawaaqay Safiirka Sucuudiga ee Ciraaq Abdul Aziz Al Shammari, taasina waxay muujinaysaa inuu soo laabtay Xidhiidhkii labada Waddan ee jaarka ahi.

Wada-hadallo lagaga hadlayey dib u furista xuduudka labada Waddan ayaa dhacayey dhowr sanadood, taasi oo looga dan lahaa in la xaqiijiyo xidhiidhka ganacsi ee labada Dal.

Dawladda Sucuudiga ayaa sannadkii 2015-tii dib u furtay Safaaraddeedii Ciraaq, Nus qarni ka dib.

Adel Al Jubeir oo ahaa Wasiirkii Arrimaha dibedda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa sannadkii 2016-kii booqday Caasimadda Ciraaq, taasina waxay calaamad u ahayd soo noqoshada xidhiidhkii labada Dawladood.

Dhanka kale, Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa bishii April ee sannadkan 2019-ka ku dhawaaqaday Mashruuc ku kacaya $50 million dollars, kaasi oo dib loogu dhisayo Masaajid weyn oo ku yaalla Magaalada Mosul, kaasi oo magaciisu yahay Al-nuur, isla-markaana ay burburiyeen kooxda Daacish.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka