Kooxda Al-Shabaab Oo Sheegatay Qarax 7 Qof Ku Dilay Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab Oo Sheegatay Qarax 7 Qof Ku Dilay Muqdisho

Maxaabiis Siyaasad u Xidhan oo Xogtooda la Baahiyay.
Wasiiro & Xildhibaano Taageero U Muujiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Khadar Nuur Maxamuud Oo Shaaciyey Inuu U Taaganyahay Doorashada Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargaysa.
Malaysia Oo Burburisay 4 ton Oo Fool Maroodi Ah Oo Qiimahoodu Gaadhayo $3.2 million
Shacabka Laascaanood Oo Si Gaar Ah U Tukaday Salaad Roob-Doon Ah

Muqdisho (HCTV) – Inta la xaqiijiyey 7 Ruux ayaa ku Geeriyooday Qarax Maanta ka dhacay koontaraalka ugu horreeya ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo gubay kaalin shidaal oo ku dhow halka laga galo Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee KM4, ayaa la sheegay inay ku Geeriyoodeen 7 Qof, halka ay ku dhaawacmeen 26 Qof.

Kooxda Al-shabaab oo Masuuliyadda Qaraxan sheegatay ayaa sheegtay in Bartilmaameedkoodu ahaa Kaantaroolka laga galo Madaarka Muqdisho, halkaasi oo xilligaa lagu baadhayey Gaadiidka qufulan ee aanay Xabaddu karin.

Waxa kale oo Al-shabaab sheegtay in sababta ay Kaantaroolka u Qarxiyeen ay ahayd inuu fadhiisin u yahay Ciidammada amniga ee ilaalada u ah Hay’adaha Ajaanibka ah ee dhex deggan Madaarka Muqdisho.

Ciidammada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo markii dambe halkaa gaadhay ayaa xidhay Goobta isla-markaana baadhitaan ka bilaabay, welina kama hadal Qaraxa, laakiin Dad goob-joogeyaal ah ayaa laga soo xigtay tirada Dadka halkaa ku Geeriyooday, kuwaasi oo lagu sheegay inay ahaayeen 7 Ruux, halka dhaawucuna gaadhayo illaa 26 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

 

COMMENTS

%d bloggers like this: