Maraykanka Oo Soo Saaraya Sharci U Sahlaya Mastaafurinta Muhaajiriinta

USA (HCTV) – Maamulka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Ciidammada Waaxda Socdaalka ee Maraykanku ay Muhaajiriinta Mastaafurin karaan, ka hor intaan loo ogolaan in Maxkamadda la geeyo, go’aankaasi oo salka ku haya sharci cusub oo soo baxaya.

Sharcigan oo noqonaya kii labaad ee muddo 8 Maalmood ah loo soo saaro la dagaalanka Muhaajiriinta Sharci-darrada ku jooga Maraykanka ayaa la filayaa in la soo saaro Salaasada Maanta.

Booliska ayaa haddii ay Sharcigan si sax ah u isticmaalaan waxay awood u yeelanayaan inay Dalka dibedda uga saaraan Qofka aan Maraykanka ku joogin Sharci muddo ka badan laba sanadood isla-markaana aan haysan Waraaqo Caddaynaya arrintaasi, iyagoon Maxkamadda u gudbin.

Wakhtiyadii hore, Mastaafurintani waxay ku koobnayd Dadka ka soo tallaaba Xuduudka Maraykanku la wadaago Mexico.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka