Moscow: Booliska Oo Xidh-xidhay Dad Ka Badan 1000 (Akhri)

Moscow (HCTV) – Dad ka badan 1,000 oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaal Xisbiyo Mucaarad iyo Musharraxiin u taagan Doorashada Golaha deegaanka Caasimadda Ruushka, ayaa la xidh-xidhay Sabtidii, markii ay sameeyeen Dibed-bax ay ku dalbanayaan doorasho Xor iyo Xalaal ah.

Boqollaal Booliska Rabshadaha la dagaalama ah iyo Cidiammada difaaca Qaranka ayaa la soo dhoobay badhtamaha Caasimadda Ruushka ee Mosco, waxayna xidheen Waddooyinka soo gala halka Mudaharadayaashu ku ballansanaayeen  inay iskugu yimaaddaan

Tirada Dadka la xidhay ayaa sii kordhaya, laakiin Mudaharaadkan ayaa noqonaya kii labaad ee Mosco ka dhaca Toddobaad gudihii, kan kii horreeyay ayaa dhacay Sabtidii.

https://twitter.com/evangershkovich/status/1155081714840100864?ref_src=twsrc%5Etfw%7Ctwcamp%5Etweetembed%7Ctwterm%5E1155081714840100864&ref_url=https%3A%2F%2Fwww.aljazeera.com%2Fnews%2F2019%2F07%2Fhundreds-arrested-moscow-demonstration-free-elections-190727144027573.html

Sabtidii, Dad ka badan 20,000 kun oo Qof ayaa iskugu yimid Badhtamaha Mosco, kuwaasi oo dalbanayey in doorashada Goleyaasha deegaanku noqoto mid Xor ah.

Mudaharaadka Sabtidii dhacay ayaa ahaa kii ugu weynaa, marka laga yimaaddo dibed-baxyadii Sanadihii 2011-2012 lagu diidanaa in dib loo soo doorto Madaxweyne Vladimir Putin.

Dadka Mudaharaadaya ayaa diiddan go’aan ka soo baxay Guddiga doorashooyinka Ruushka, kaasi oo Xubno Mucaaradka ka mid ah iyo Shaqsiyaad kale oo tiro yar oo keliya u fasaxaya inay ka qayb-galaan doorashada Golaha deegaanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka