AKHRI: Shiinaha Oo La Dagaalamaya Calaamadaha Gaarka U Ah Muslimiinta Iyo Afka Carabiga

Chine (HCTV) – Maamuleyaasha Shiinaha ayaa ku amray Huteellada iibiya Cuntada Xalaasha ah iyo Boodhadhka ku hor-yaalla Meheradahooda inay ka tirtiraan Qoraallada Afka Carabi ku qoran iyo Calaamadaha muujinaya Islaamnimo.

Illaa 11 Qof oo Shaqaale ka ah Huteellada cuntada bisil laga cuno iyo Tukaamada iibiya Alaabooyinka Xalaasha ah oo Wakaaladda Wararka ee Reuters booqasho ugu tagtay Maalmihii la soo dhaafay, ayaa sheegay in Madaxda Shiinuhu u sheegeen inay masaxaan ama tirtiraan Calaamadaha muujinaya Muslimnimada, sida Bisha iyo Kalmadda Xalaal ee Alaabooyinka ku dul qoran iyadoo Af-carabi ah.

Hawl-wadeennada Dawladda ayaa ku amray mid ka mid ah Tukaammada iibiya Cuntada Xalaasha ah inuu qariyo boodhkiisa qaybta ay ku qoran tahay ‘Xalaal’ oo afka Carabiga ah, waxayna daawanayeen intii uu qarinayey.

“Waxay yidhaahdeen, Tani waa dhaqan shisheeye, waa inaad in badan dhaqanka Shiinaha adeegsataa..” ayuu yidhi Maamulaha Tukaanka lagu amray inuu Masaxo Boodhkiisa qaybta Afka Carabiga ku qoran oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Dhammaan Dadka Shaqaalaha ah ee Huteellada Iyo Maamuleyaashu way diideen inay Magacyadooda  sheegeen markii la waraysanayey, taasi oo muujinaysa siday Xaasaasiga u tahay arrintani.

Ololaha lagaga soo horjeedo Afka Carabiga iyo Calaamadaha Muslimiinta ayaa Shiinaa ka soo bilaabmay Sannadkii 2016-kii.

Shiinaha ayaa hooy u ah 20 Million oo Muslimiin ah, waxayna haystaan damaanad  ah inay xor u yihiin Diintooda, balse Dawladda ayaa wadda olole ay doonayso inay Dadku ku qaataan Aragtida Xisbiga Shuuciga ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka