Gabadh Weriye Ahayd Oo Lagu Dilay Ingiriiska

London (HCTV) – Waxa Dalka Ingiriiska lagu dilay Suxufiyad Magaceedu ahaa Lyra McKee, habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.

Dilka Gabadhan Weriyaha ahayd ayaa loo xidhay laba dhallinyaro ah oo da’doodu tahay 19 jir iyo 18 jir.

Lyra McKee oo 29 ahayd ayaa la dilay iyagoo kormeeraysa goob dhibaato ka taagnayd habeenkii khamiista, waxaana lagu war helay toogashadeeda.

Muuqaal lagu duubay Moobayl ayaa muujiyey Daqiiqadihii nolosheeda u dambeeyay, iyadoo garab taagan Suxufi kale iyo Qofka toogashadeeda geystay.

Dilka Weriyaha ayaa aad loo cambaareeyay “Wer-wer bay nagu abuurtay dhamaantayo Waayidda Lyra..” ayuu yidhi, mid ka mid ah Dadka cambeereeyay Dilka Weriyahaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka