Roobab Khasaare Ba’an Gaadhsiiyey Koonfur Africa

Kwazulu-natal, (HCTV) – Tiro ka badan 50 qof ayaa ku dhintay roobab waaweyn oo ka da’ay qaybo ka mid ah dhinaca koonfureed iyo bari ee dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo sababay daadad xoogle iyo dhul soo qay oo dhiigo farabadan sababay, sida ay sheegeen saraakiil u hadlay dawladda Koonfur Afrika.

Shaqaalaha Samatabixinta ayaa qodaya guryaha dumay iyo dhismayaasha magaalo ku taala xeebta gobolka KwaZulu-Natal, halkaas oo dhimashadu ay ka saramatay 51, sida ay sheegayaan saraakiiga gobolkaasi.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa a ayaa booqanaya gobolada ay dhibaatadu ka dhacday maanta oo Arbaca ah.

“Xaaladan oo kale marka ay dhacdo waxaan idiinku baaqayaa in dhamaanteen dal ahaan aynu taakulayno bulshadeena ay dhibaatadu gaadhay,” ayuu ku yidhi War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Ramaphosa waxa uu amaanay kuwa adeegyada gargaarka degdega iyo gurmadka wada mar uu soo dhigay qoraal barta uu ku leeyahay twitter-ka oo Telefishanka Caalamiga ah ee HCTV uu soo xigtay.

Waxaanu Madaxweynuhu uu sheegay in daadadka iyo dhoobada soo go’day ay barakiciyeen dad ka badan 1,000 qof.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA