Wasaaradda Waxbarashada Oo Soo Saartay Go’aan Cusub

Burco (HCTV) – Xafiiska Imtixaannaadka Somaliland ayaa sheegay in la joojiyey shaacintii hadba 10-ka Arday ee ugu sarreeya Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe/Sare ee Dalka.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Somaliland, Daa’uud Axmed Faarax oo  Khudbad ka jeediyey Xaflad lagu qabtay Magaalada Burco ayaa sheegay in Wasiirka Waxbarashada Jaamac Cismaan Aadan uu siyaasad ahaan soo jeediyey in la joojiyo shaacinta 10-ka arday ee ugu sarreeya Natiijada Imtixaannaadka, maaddaama oo arrintaasi ay buuq ka dhex abuurto Dugsiyada Dalka “Waxa soo kordhay Derajada 10-ka Arday ee ugu sarreeya Imtixaannaadka Shahaadiga ah, Wasiirka Waxbarashadu siyaasad ahaan wuxuu noo soo jeediyey Xafiis Imtixaanaad ahaan wuxuu yidhi 10-ka Arday ee ugu sarreeya dalka way wareeriyeen oo Arday baa lagu tababbaraa oo dugsiyo gaar loo leeyahay ayaa Arday gaar ah u sameeya, markaa Wasiirku wuxuu xal u arkay in la joojiyo tobanka ugu sarreeya Ardayda..”

Dugsiga Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa aad ugu tartama in Ardaydoodu  ka mid noqdaan Tobanka ugu sarreeya (Top Ten), sida Tobanka Arday ee ugu sarreeya Fasallada Afraad ee Dugsiga sare iyo 10-ka ugu sarreeya fasallada 8-aad ee Dugsiga dhexe.

Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2018-2019 ayaa waxa loo fadhiisanayaa 16-ka bishan June oo ku beegan Sabtida.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka