Somaliland: Booliska Oo Gubay Boqollaal Kiiloo Oo Jaad Ah, Lana Wareegtay Gaadiidkii Siday

Hargeysa (HCTV) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa Gubay Qaad la doonayey in si Kootarabaan ah loo soo geliyo Somaliland, maaddaama oo Dawladdu Qaadka Mabnuucday muddo 25 Maalmood ah, si looga hor-tago Xanuunka Covid_19.

Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo Saxaafadda kula hadlay Madashii lagu gubay ayaa yidhi “Halkan waxa yaalla 200 Kiiloo oo Qaadka waaweyn ah (Jebis) iyo illaa 90 Marduus oo kale, Annaga oo fulinayna Amarkii ka soo baxay Guddiga sare ee ka hor-tagga Covid_19 oo ahayd in Qaadka muddo la joojiyo oo uu istaago, ayaa qaar ka mid ahi isku dayeen inay soo geliyaan oo amarkii Dawladda Mijo-xaabiyaan oo ay qaadka soo geliyaan jamhuuriyadda Somaliland.”

Taliyuhu wuxuu sheegay in Qaadka lagu soo qabtay laba gaadhi iyo Hal Qof “Qaadkan oo Xalay laga soo qabtay saddex Meelood, waxa lagu soo qabtay 2 Gaadhi iyo Hal eedaysane…”ayuu yidhi.
Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in gaadiidka lagu qabtay Qaadka ay hadda laga bilaabo yihiin Gaadiid Ciidanka Boolisku leeyahay.

Tan iyo markii Qaadka la mabnuucay waa markii labaad ee sidan oo kale Qaad dab loo qabadsiiyo.
Axaddii Shalay ayay ahayd markii Magaalada Wajaale lagu gubay Qaadk la qabtay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka