Turkiga Oo La Sheegay Inuu Dagaalyahannada Suuriya Ku Daabulay Liibiya

Liibiya (HCTV) – Turkiga ayaa dalka Liibiya u diray dagaalyahanno uu ka keenay dalka Suuriya, kuwaasi oo tiradoodu u dhaxayso 3,500 illaa 3,800, kuwaasi oo Liibiya dagaal ka waday saddexdii bilood ee u dambeeyay.

Sidaana waxa lagu sheegay war-bixin ay soo saartay Waaxda Difaaca ee Maraykanka, waxayna War-bixintaasi sheegtay in Dagaalyahannada u tiradoodu u dhaxayso 3,500 illaa 3,800 oo dhamaantood Calooshood u shaqaystayaal ah uu Turkigu ka soo qaaday gudaha dalka Suuriya.

War-bixinta oo Khamiistii la daabacay ayaa noqonaysa Xogtii ugu horraysay ee laga bixiyey Ciidammada uu Turkigu ku daabulayo Dalka Liibiya, kuwaasi oo taageeraya Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Fadhigeedu yahay Magaalada Tripoli.

War-bixintu waxa kale oo ay sheegtay in dagaalyahannada uu Turkigu lacagta ku siiyo dagaalka Liibiya ka socda qaar ay xidhiidh la yeelan karaan Kooxaha Xagjirka ah, taasina tahay khatar kale oo taagan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka