Taliska Booliska Soomaaliya Oo War Ka Soo Saaray Weerar Al-shabaab Ku Qaadday Huteel Muqdisho Ku Yaalla

Hargeysa (HCTV) – Taliska Ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa War ka soo saaray Khasaaraha ka dhashay Weerar Xalay Dagaalyahano ka mid ah Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Huteelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Taliska Ciidammada Booliska ayaa lagu sheegay in Weerarkaa ay ku dhinteen 2 Askari iyo Saddex Qof oo Shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen 9 Qof, gudaha huteelkana laga soo bedbaadiyey illaa 80 Qof oo Masuuliyiin ku jiraan, intii Weerarkii socday.

Halkan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka