Taliyihii Ciidammada Madaxtooyada Puntland Oo Lagu Dilay Gaalkacayo

Gaalkacayo (HCTV) – Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cismaan Cumar Maxamed (Itoobiyaan) ayaa lagu diley shaqaaqo ka dhacdey magaalada Gaalkacyo.

Habeenkii xalay ayaa ciidanka Amniga ee gobolka Mudug hawlgal ay ka sameeyeen Warshadda Kabka ku soo qabteen khamri aad u badan iyo 8 qof oo ka ganacsanaayey iyo hub, xerada kabka ayaa ahayd halka ugu weyn ee kooxaha daroogadu ay saldhigga ka dhigteen isla-markana suurta geli weydey in laga saaro.

Warbaahinta Puntland ayaa sheegtay in Ciidanka Madaxtooyadu ay subaxnimadii Saaka tageen Xerada kabka oo ay dib ugu soo noqdeen kooxihii Xalay laga saarey, waxaana ay halkaa ka cayriyeen malayshiyaadkii, laakiin Maleeshiyaadkii meesha laga saaray wataan oo si gaadmo meesha ugu soo laabtay ayaa rasaas ku furay Ciidammada Madaxtooyada Puntland iyo Xubno ka mid ah Maamulka Degmada oo halkaa ku sugnaa, waxaana halkaa ku dhaawacmay Cismaan Cumar Maxamed Taliyihii ciidanka watey waxaana uu u geeriyoodey dhaawicii soo gaadhey wax yar kadib markii Cisbitaalka la geeyey.

Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa Tacsi u diray Taliyaha Geeriyooday, sida lagu sheegay dhambaal Tacsi ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Mr. Deberaani “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni waxa uu tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xadhigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka