Baarlamaanka Ethiopia Oo U Codeeyey In Xidhiidhka Loo Jaro Hoggaamiyeyaasha Gobolka Tigray-ga

Addis Ababa, (HCTV) – Golaha Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa meel mariyey in masuuliyiinta dawlada federalku ay xidhiidhka u jaraan hoggaamiyeyaasha Ismaamulka gobolka Waqooyiga dalkaasi ku yaala ee Tigray-ga, kuwaas oo bishii u dambaysay qaybtay doorasho dawladda Raysal Wasaare Abiy Axmed ay ku tilmaantay “sharci daro”.

Go’aankan oo ay ku dhawaaqeen Aqalka Baarlamaanka Ethiopi, ayaa dhiirigalinaya in la jaro xidhiidhka Abiy Axmed iyo gobolka Tigrayga (TPLF), kuwaas oo iyagu gacanta ku hayey siyaasada dalka Ethiopia ka hor intii aanu iman Abiy Axmed 2018-kii, kaas oo ilaa iyo hadda uu hoos yimaado maamulka Tigraygu.

“Goluhu waxa uu go’aamiyey in dawladdu ay nooc kasta oo xidhiidh ah oo ay la lahayd Gobolka Ismaamulka Tigrayga inay jarto,” ayaa sidaasi lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Baarlamaanka, kaas oo ay Baahisay warbaahinta dawlada ee Ethiopian Broadcasting Corporation.

Balse waxa war-saxaafadeedku intaa ku intaa ku daray in lagu boorinayo dawlada Federalka ah ee Ethiopia inay sii wado inay la shaqayso hay’adaha maxaliga ah ee Tigrayga si ay u qabtaan “Adeegyada Aasaasiga ah” ee gobolka, taas macnaheedu mahaa ayaa la yidhi in go’aankani gabi ahaanba meesha ka saarayo in la gooyo gobolkaasi.

TPLF ayaa hoggaaminaysay halgan lagu riday dawladdii Dhergiga ee ka talinaysay Ethiopia 1991-kii, iyadoo wixii xiligaasi ka dambeeyeyna talada uu hayay isbahaysigu.